MAXAA KADHIGA GANACSIYADA BILOWGA AH, KUWO GUULEYSTA? 

0  comments

January 14

Horudhac

Ma’is weydiisay, maxaa kadhiga ganacsiyada kuwo guuleysta? Hadaba majiraan wax cajiib ah oo ey adeegsadaan, balse waxaa jira wadiiqooyin ey maraan, taasoo usahasha iney noqdaan ganacsiyo guuleysta.

Talaabooyinka Usahla Ganasiyadda iney Guulestaan

  • Inuu Ganacsigu Xaliyo Dhib Jira: Iska ilow inaad baadigoobtid fikradaha aad ka uwaaweyn. Ganacsiyadda guuleysta waxay ku dadalaan iney raadiyaan baahi jirta ama dhib jira kadiba ey xal ukeenaan. Waxay xooga saaraan xalin baahi jirta ayaagoo u’adeegsanaya hab hal’abuur leh.
  • Dhisid Koox Adag: Ogow awoodda ganacsi waxay kujirta kooxda shaqada heysa. Isku keen koox kulmisatay, shaqo adag iyo xirfad dhameystiran. Ka fogow inaad ku shaqaaleysiisid qof CV-giisa. Ka’eeg shaqsiyadiisa ama shaqsiyadeeda. Ganacsiga waxaa qeyb ka ah guushiisa inuu tiimkiisu mideysanyahay, wada xiriirkooda furanyahay iyo aragti dhameeystiran.
  • Udiyaar garow isbadalka: Ganacsigu waa inuu udiyaar garoowaa isbadallada imaan kara, gaar ahaan marka lagujiro marxaladda bilowga ah, Diyaarin qorshe lagu dhaqmo markuu yimaado isbadal, dhanka suuqa, dhanka macaamiisha ama dhanka badeecadaha/adeegyadda ah. Waa in latijaabiyaa mar xalado lagula macaamili karo isbadalladaas.
  • Kudhisid Ganacsiga Adeeg Macaamiil: Hadafka ganacsiga ha’noqdo mid udub dhaxaad u’ah u’adeegidda macaamiisha, Fahanka baahiyaha macaamiisha iyo sidii ganacsigu ubuuxin lahaa baahiyahaas. Ku dadaal inaad farxad geliso macaamiishaada, waa inuu kuunoqdaa af-hayeen difaaca ganacsigaa, taasi uu uhorseedeysa ganacsigu inuu guul gaaro.
  • Dhaqangalintu waa Muhiim: Fikrad waliba oo wanaagsani waxay ubaahantahay dhaqangalin. Ganasigu markuu bilowga yahay, waxa ka horyimaada caqabado badan, waxaad ubahaantahay inaad dhaqangaliso talaabooyinka iyo nidaamka aad udajisay ganacsigaaga.

Gunaanad:

Ugu dambeyn: In ladhiso ganacsi guuleysta kaliya uma baahna inaad adeegsatid tiknoolojiyad casri ah, iyo xayeesiino. Ganacsigu waa inuu xaliyaa dhibaato kajirta suuqa, inaad xooga saartid dhisid xoog adag oo xirfadahoodu udhameystiranyihiin, iyo inaad udiyaargarowdid caqabadaha ku’imaan kara ganacisga. Ogow Guusha ganacisgu umatimaado si’dhaqso ah, waxay qaadataa waqti, badi dadaalka,


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>