Horudhac
Waxaad heystaa fikrad ganacsi oo aad dooneyso inaad dhaqangaliso. Waxaad ubaahantahay maalgashi – si’aad urumeyso riyadaada. Hadaba dadka maalgashada ganacsiyada sida bangiyadda iyo shaqsiyaadka maxay kafiiriyaan ganacsiyadda cusub?
Maxay tahay waxa uu maalgashaduhu aadka u’eego:
Maalgashaduhu markuu quurayo lacagtiisa wuxuu aad uga fikiraa sida ey kusoo noqon karto ama waxa looyaqaan Return on Investment (RIO).
- Kooxda Ganacsiga Wada: Maalgashaduhu wuxuu fiirkiyaa cidda wada fikirka, mayihiin dad qibrad u’leh waxa ey rabaan iney gancsi ka sameeyaan, masane fahansanyihiin xaqiiqada kajirta suuqa.
- Problem ka uu xalinayo: Maalgashaduhu wuxuu uquurayaa lacagtii hadba xalka uu keenayo ganacsigan cusub. Maalgashaduhu inta badan wey iska ilaaliyaan iney xoolohooda ku maalgaliyaan fikrado hore uga jiray suuqa.
- Fursadda Kajirta Suuqa: Baahida looga qabo adeegan ama badeecaddan suuqa. Maalgashaduhu wuxuu eega baahida looqabo fikirkan ganacsi iyo faa’idooyinka uu dhalin karo.
- Nooca Ganacsiga: Sidee buu ganacsigan usameenayaa lacag? Maalgashaduhu wuxu aad udaneeyaa inuu fahmo habka uu ganacsiga kusameenayo daqli.
Talaabooyinka Laqaadi karo:
- Si fudud uqeex: Si fudud oo lafahmi karo uqeex ganacsiga, waxa uu soo kordhin karo, fursadaha suuqa kajira iyo sida uu uga guuleysan karo tartanka suuqa kajira.
- Kusamee Cilmi baaris: Isku day inaad waqti fiican kubixiso fahanka nooca maalgashade ee uu ganacsigaagu ubaahanyahay.
- Dhis Koox Adag: Kudadaal inaad sameeysato xoog kula shaqeysa oo xambaarta hadafka iyo ulajeeda uu ganacsigaagu leeyahay.
- Xaqiiji Fikradda: Raadi macmiil isticmaasha ganacsiga oo kutijaabi adeegaaga ama badeecadaada si’aad u’fahantid baahid uu dabooli karo.
- Kubilow talaabo yar: Kudaadaal inaad qaado talaabooyin yar yar, oo ukori ganacsiga si hufan.
Gunaanad
Inaad uheshid ganacsiga maalgashi waxay ubaahantahay talaaboyin taxadar leh. Hadaad fahantid waxa maalgashaduhu doonayo, waxaad qaadi kartaa talaabooyin aad ku xaqiijin kartid inaad buuxisid shuruudaha kuuna suurtagasho inaan ganacsiga u’hesho maalgashi.