Clone of Sample Blog Post

0  comments

January 9

Madooneysaa inaad ka mira dhalisid hankaaga ganacsi; oo ka faa’ideysatid hibada eebe kusiiyey ee hindisidda fikrad hal abuur ganacsi.

Raac tilmaamahan si’aad ugu guuleysatid safarkaaga hal abuurnimda.

1. Baadigoob Fikrad Curdun ah:

Ka fogow fikradaha loo badanyahay: Raadi fikrad curdun ah, oo baahideedu kajirto deegaan ka aad ku susugantahay. Kafiiri fikrada iney xalinayo arimaha muhiim ka u’ah bulshada, Tusaale: Waxbarashada, Caafimaad, baahi kajirta suuqa ganacsiga. Iyo wlm.

Si’fiican wax uga ogow ganacsigayada kula mid ka ah: Baaritaan dheer kusamee, ganacsiyadda kula mid ka ah. Ogow mar waliba waxaa jira ganacsiyo kaaga soohoreeyey suuqa, ku samee baaritaan dheer oo ogow adeegyada ama badeecadda ey iibiyaan, qiimahooda, noocyada macaamiishooda, sida ey ubixiyaan adeega, xiriirka kala dhexeeya macaamiisha. Baaritaanka wuxuu kuu sahlayaa inaad kafiicnaatid iyo inaad latimaadid wax kaduwan ama hab kaduwan.

2. Diyaarso qorshe cad:

Nashqadee ganacsigaaga: Diyaarso qorshe ganacsi oo ku dhisan xaqiiqada suuqa kajirta. Qorshahaan waxaad ku cadeysaa, sida uu noqonayo ganacsigaaga, suuqa aad ka howlagli doontid, nooca macaamiishaada iyo qarashaadka.
Waqti badan kubixi qarashaadka: iska hubi oo baaritaan dheer kusamee qarashaadka kubixi kara ganacsiga. Haku deg degin ama ha’fududeysanin xasaabaadka, markey timaad bilow ganacsi waxaa jiray xisaabaad badan oo soobaxa marka lagu guda jiro howsha dhisidda ganacsiga, marka kubixi waqti dheer oo ka fikir qarash waliba inta aadan bilowin howsha. Taasi waxay ka hortageysaa ineysan wax lacago dheeri kugu soobixin.

3. Diyaari Ganacsiga:

Magac iyo Summad: Diyaari waxyaabaha uu kaga duwan yahay ganacsigaagu kuwa lamid ka ah, iyo Waxyaabaha faa’idada ah ee uu soo kordhinay ganacsiga. Sidoo kale diyaari fariin ku wajahan macaamiisha taaso ka tarjumeysa ganacsigaaga.

Ka Faa’ideyso Tiknoolojiyadda: Adeegso tiknoolojiyaada ku haboon ganacsigaaga, hadey noqoto xiriirka macaamiisha ama soo gudbinta adeega / badeecadda ganacsiga.

Gabogabo:

In ladhiso gancacsi guuleysa waxay qaadaneysaa waqti dheer iyo dadaal badan. Ku dadaal barashada maadooyinka laxiriira ganacsiga sida hal abuurka ganacsiga, Cilmi iyo camal la’isku daraa ayey guusha ku timaadaa.


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>