DHIIDHIYA OO DHABARKA  GODA

0  comments

January 9

Horudhac

DHIIDHIYA OO DHABARKA GODA waxay katarjumeysaa, shaqo adag. Shaqo adeegu waxay jiho uyeeshaa noolasha, waayo guul waliba ha’yaraato ama ha’weynaatee, waxay ka dhalataa shaqo adag.

DHIIDHIYA OO DHABARKA  GODA

Aan ku bilaabno, ereyga DHIIDHIYA macno ahaan wuxuu ka dhigayahay, kadagaalamma, diida, ka hor’imaada. DHABARKA GODA waa shaqeysta, dadaala, karti iyo ad-adeeg yeesha.

Noolasha si-looga gaaro guul dhab ah waxay ubaahantahay dadaal fara badan, waa inaad noqotaa qof aad udadaalaa, hadey ahaan laheed waxbarashada, shaqada iyo wlm.

Abwaankii Soomaaliyee ee Carees Ciise ayaa tiriyey 1971. oo yiri.

Gabdhaha dheel kooda, 

surwaal dheer iyo dharka cad, 

hore baan ugu dhunayee, 

dhalinteenooy dhaqsada, 

dhiidhiya oo dhabarka goda, 

ha dhoobnaanina dhabaha, 

dhaqaalaha sare udhiga.

Abwaanku wagaas ayuu kahadlayaa – xaqiiqooyinka dhabta ah ee maantay jira, wuxuu dhalinyaradu kuu boorinayey. Gabaygaas wuxuu munaasab kuyahay noolasha maantay jirta, wuxuuna sitoos ah ula hadalayaa dhalinyarada iney horumarka ukacaan, dadaalka badiyaan.

Gunaanad:

Ugu dambeen, Dhaliyarooy aan dadaalno, aan dhiidino, dhabrka godano, dheedheesha iyo dhalanteedka aan ka harno.


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>