DHISO BUUNDADII KUU HORSEEDI LAHEYD GUUSHA

0  comments

January 9

Horudhac

Waxaa lagaaray waqtigii aad bilaabi laheyd safarka guusha, Waxaad ubaahantahay wado kugeeysa halkaad tiigsaneysid. Waa inaad dhisataa buundadii ku geyn laheed, oo aad tiirar adag, iyo jihooyin usameeysataa.

Ahmiyadda ey leedahay in la dhisto buundo lagu gaaro horumarka:

Dhiso buundadii horumarka. Qof waliba oo doonayo inuu noolasha hormar sare ka gaaro waa muhiim inuu iska dhiso waxyaabaha aasaasiyaadka unoqonaya hormarkiisa, sida Xirfadaha, aqoonta diiniga, aqoonta maadiga, lamacaamilka bulshada iyo wma.

Waxaa dhacda mararka qaar in dhalinyaradu bartaan hal xirfad kadibna yiraahdaan horumar ayaan ku gaarayaa. Tusaale, hadaad baratid xirfada (Digital Marketing), oo aad dooneysid inaad abuurtid shirkad sameesa Xayeesiinta/ Suuq-geynta Digital ka. kaliya xirfadada kuguma filnaaneyso oo waayo waxaad ubaahaneysaa inaad, ku kabtid xirfado kale, Sida.

  • Waa inuu leeyahay xirfadaha Xiriirka bulshada
  • waa inuu ku fiicanyahay adeegsiga aaladaha tiknolojiyadda (Technology)
  • Waa inuu leehaya Xirfada hal abuurka.

Waxaad ogaataa Guul dhab ah waxaa lagu gaari karaa waa inuu qofka kulansadaa xirfado badan oo iskaabaya. Sida aan kusheegnay Cinwaanka kore waxaad ubaahantahay inaad dhisatid buundadii kuu sahli laheed horumarka, taasoo noqoneysaa inaad mar waliba aqoontaada iyo xirfadaada kordhisid.

Gunaanad:

Ugu dambeen. hubi kaaba yaasha guusha makuu dhamestiranyihiin, hana dag dagin, oo qaado waqti aad isku dhistid. 

  • Qaado koorsooyin online ah.
  • iska dhisi macaamilka bulshada ama (Communication Skills)
  • Yeelo xirfadu kuu sahlaya isticmaalka tiknoolojiga (Technology)
  • Baro xirfadaha shaqada iyo kuwa ku sida gaar ka ah kuu quseeya.

Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>