Horudhac
Mararka qaar mawajahday dib udhacyo? Maku fikirtay inaad iska jiijisid dadaalka iyo orodka aad kujirtid. Marxaladahaasi waa ey jiraan oo wey ku yimaadaan qof waliba oo u’istigaa inuu horumariyo naftiisa. Balse waxa isbadalkeena waa sidaan uga falcelino caqabadahaasi.
Waa Maxay Kobcinta Garaadka – Hab-Fikirka (Growth Mindset)
Growth Mindset waa inaad aamintid awooda naftaada iyo garaadkaaga hormarintooda iyo sare uqaadiida dadaaladda noolasha. Dadka leh Growth Mindset ka, caqabaduhu waxay u’arkaan fursado, waxay kudadaalaan iney casharo kabartaan dib udhac kasta ama caqabad kasta ee kutimaada.
Muhiimadda ey Leedahay Kobcinta Garaadka – Hab-Fikirka (Growth Mindset)
A growth mindset waxay aasaasi u’tahay guulaha noolasha dhinac waliba. Waxay inaga caawineysaa:
- Inaan gaarno guulaheena: Markaad kutashatid naftaad, rumeysid inaad hormar sameen kartid, waxaa dhaceysa inaad dajisatid ahdaaftaada oo aad ku dhaqaaqdid xaqiijintooda.
- Inaad noqoto qof adag: A growth mindset waxay kaa caawineysaa inaad iska caabiso wixi caqabad ah aadna hore usiisocotid.
- Waxaad Kudadaaleysaa inaad sijoogto ah wax ubaratid: Dadka leh Growth Mindset ka waxay marwaliba xooga saaraan iney wax bartaan oo aqoontooda kordhiyaan, marwalibana kudadaalaan iney wax cusub bartaan
- Waxay kaa caawineysaa inaad yeelatid xiriir wanaagsan: Growth mindset ka wuxu kaa caawinayaa inaad hormarisid xirfadaada laxiriirka bulshada oo aad noqotid qof aad ugu fiican – macaamilka iyo xiriirka.
Gunaanad:
Kobcinta Garaadka (Hab-Fikirka Growth Mindset) waxay qaadaneysa waqti, sidoo kale waxay ubaahantahay dadaal iyo inaadan ka daalin oo ugu dambeyn aadan isdhiibin. Kudadaal inaad kacabsan caqabadaha oo aad hore uwajahdid, casharo kabaro culeesyada kula soodarsa, niyada kuhay marwaliba caqabad waliba ee kusoo wajahda waxaad ku badali kartaa fursad.