MAXAAD UGU BAAHANTAHAY INAAD HORMARISO NAFTAADA?

0  comments

January 9

Nafta waxay ubaahantahay in si joogto ah loo hormario. Waxay ka bilaabaneysaa hormarinta shaqsiga ilaa horumarinta cilmiga diiniga iyo maadiga ah. Waxay ubahaantahay in loo dajiyo qorshe fog oo ku dhisan barasho joogto ah.

Horumarinta nafta waxay kaa caawineysaa:

  • Waxay kaa caawineysaa inaad gaartid guulahaaga:  Markey kuu cadihiin waxa aad la’ dooneysid naftaada waxaa kuu sahlan inaad qaado talaabooyinkii aad ku gaari laheed.
  • Waxaa hormaraya Awooda laxiriirka dad ka kale: Markeed hormarisid naftaada waxay kuu horseedeysaa inuu hormaro macaamilka aad la leedahay bulshada inteeda kale, waxaad noqoneysaa qof saameeyn ku leh bulshada.
  • Waxaa kor u kacaya Kalsoonida Naftaada aad ku qabtid: Waxaad dareemeysaa kalsoon aad usareysa ee naftaada, waxaad ku dhiiraneysaa inaad qaadid talaabooyin ad adag, adigoon ka cabsaneynin inaad guul dareysatid.

Kudadaal 6 daan qodob sanadka 2024:

Si’aad u hormarsio naftaada ku dadaal 6daan qodob:

1. Dejiso Yoolal: Qor waxyaabaha aad rabtid inaad ku guuleysatid sanadkaan, kadibna qorshe usamee:

2. Baro Xirfad Cusub: Marwaliba inaad xirfad cusub baratid waxay kuu horseedeysaa iney naftaadu horumarto oo aad guulo ka gaartid noolasha.

3. Iskuday Waxyaabo cusub: Iskuday inaad qaadid talaabooyin cusub oo kaduwan kuwii hore aad uqaadi jirtay.

4. Naftaada tartan gali (Challenge): Ku cadaadi naftaada waxyaabaha eysan jecleen, qaad talaabooyin galinya (challenge) naftaada.

5. Lasaaxiib qof Naftiisa horumariey: Raadi qof aad ku dayato, oo tusaale kuu noqda,

6. Kudadaal Caafimaad kaaga: Samee jimicsi joogto ah, Aqris ka badi sida quraanka iyo Kudadaal inaad cunooyinka caafimaad ka leh.

Gabogabo:

Ogow, Horumarinta Nafta waa Safar dheer, talaabo kasta oo aad uqaadid, xirfard waliba aad baratid, Waxay kuu dhoweyneeysaa inaad guul kagaartid noolasha. Marka hore usoco, dadaalka badi, hormari naftaada maantay, oo miraheeda guro bari.


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>