SIDEE LAGU HELI KARAA FIKRAD BUUXISA BAAHI SUUQA KAJIRTA? 

0  comments

January 11

Horudhac

Madooneysaa inaad ka rumeysid fikradaha kaa guuxaya oo aad ubadashid ganacsi guuleysta? Waxaa kuu suura galinaya inaad baadigoobitid waxyaabaha ka maqan suuqa, baahid badeeco ama adeeg ee kajirta. Hadaba su’aashu waxay tahay sidee baad ku heli kartaa baahiyahaas kajira suuqa?

Raac Talaabooyinkaan:

Talaabada 1aad: Noqo qof macaamiisha xantooda dhageysta:

Dhageyso waxyaabaha ey macaamiisha kala duwan ka yiraahdaan, ganaciyada iyo badeecadda ama adeegyada suuqa yaala. Adigoo umarayo hab cilmi baaris ah, hab wareysi shaqsi shaqsi ah, ama hab aad adeegsaneyso aaladda interneet ka. (Internet or Online)

Talaabadda 2aad: Hab Jaajuusnimo ah adeegso

Hadafkaagu ha’ahaado inaad latimaado wax kaduwan suuqa. Kafaa’ideyso tartan ka dhex jira ganacsiyada, oo mid mid udhexgal adigoo daraaseenaya halka ey kajilicsanyihii iyo halka ey ku xooganyihiin. Baaritaan kusamee mid waliba waxyaabaha ka maqan ganacsigiisa iyo sida uu uhowlgalo ganacsiga.

Talaabadda 3aad: Lasoco waxyaabaha cusub ee soo kordha:

Ishak u haay, isbadal ka iyo waxyaaba cusub ee sokordha, gaar ahaan tiknoolojiyadda, aqri maqaaladda laga qoray ganacsiyadda cusub, lasaaxiib dadka qibrada u’eleh lasocodka suuqayadda. Ogow mar waliba oo wax cusub soo baxaan waxaa banaanta fursad ganacsi.

Talaabadda 4aad: Ufikir qaab kaduwan sida dadka kale:

Mararka qaarkii, fikradaha waxay ku dhashaan in loo fakaro si’ kabaxsan suuqa. Balaari fikirkaaga, kuna salee sidaa wax cusub hore looga fikirin aad ula imaan laheed. Haka cabsan iney fikradaadu qaldanto, waxay ubadantahay inaad haleeshid fikrad buuxisa baahida kajirta suuqa.

Talaabadda 5aad: Tijaabi Fikradda:

Isku day inaad tijaabiso fikrada aad isleedahay wey hirgalisaa, adigoo kubixinaya qarash aad uyar, si’aad utijaabiso ugana hesho wax bixin macaamiisha markey isticmaalaan adeegaaga ama badeecadaada. Taasi waxay kuu sahleysaa inaad ogaatid in firadaadu shaqeyn karto oo ey ka suuragaleyso, buusineysana baahi jirta.

Gunaanad:

Inaad heshid fikrad buuxisa baahida kajirta suuqa masahlana. Dhagta udhig cabashooyinka kasoo yeera macaamiisha, harjadka udhexeeya ganacsiyada tartan kuwa jira iyo eedaha dhexmara. Isha ku haay waxyaabaha soo kordha sida tiknoolojiyadda. Joogteey baadigoobkaaga, adigoo raacaya tilmaamaha kor ku xusan.


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>