SIDEE LOOGA GUDBAA KHALADAADKA YIMAADA MARKA LABILAABAYO GANACSI

0  comments

January 15

Horudhac

Marka labilaabayo ganacsi waxaa ka horyimaada caqabado badan, Waxaa kamid in la’sameeyo qaladaad marka lagu gudajiro dhisidda ganacsiga, qof waliba oo kuscusub ganacsi wuu galayaa qaladaad. Hadaba maqaalkan waxaan ku eegeynaa qaladaadka imaan kara iyo talaabooyinka ey tahay in laqaado, si’loogaaro xalkooda.

1. Qaladaadka Kayimaada Badeecadda ama Adeega:

  • Kaladka: Inaad keentid suuqa badeeco ama adeeg aan looga baahneen
  • Talaabada Laqaadi karo: Marka hore sifiican ubaar fikirka, Ku samee daraasad suuqa, isku day inaad raadisid dadka isticmaalidoona badeecadda ama adeega, kadibna xog wareyso oo ka ogow baahid dhankooda.

2. Inaadan Sifiican Uqorsheenin Qarashaadka:

  • Khaladka: Inaad iska indha tirtid qarashaadka qarsoon kusoo bixi kara ganacsiga
  • Talaabada laqaadi karo: diyaari qorshe maaliyadeed oo aad uxeel dheer, kafirikir qarash waliba oo imaankara, hindis faa’idada dhaqaale ee uu ganacsiga sameen karo, diyaari qorshe labadali karo marwaliba ey carqalad soowajahdo ganacsiga.

3. Inaad Shaqada Isku Koobtid:

  • Khaladka: Inaad iskudaydid inaad qabatid shaqo kasta
  • Talaabadda Laqaadi Karo: Diyaari koox isku xiran, oo xirfadahoodu dhameystiranyihiin, uqeybi shaqooyinka iyo waajibaadka.

4. Ganacsiga oo aan Sifiican Looxayeesiin:

  • Khaladka: Inaan muhiimad xoogan lasiinin hergalin xayeesiin wanaagsan, taasoo unoqta ganacsiga iskuxirka macaamiisha iyo badeecadda ama Adeega
  • Talaabadda Laqaadi Karo: Diyaari qorshe xayeesiin oo xambaara ahdaafta ganacsiga, inaad adeegsatid dhamaan aaladaha gaarsiin kara ganacsiga macaamiisha. Gaar ahaan, hamoogaanin inaad adeegsatid tiknoolojiyadda.

5. Inaan muhiimad lasiinin hal’abuurka

  • Khaladka: In lagu ekaado qorshe kooban oo xadidaya isbadalka iyo hal’abuurka
  • Talaabooyinka Laqaadi karo:  Ku dadaal udiyaargarowga iyo isbadal lagu sameeyo badeecadda ama adeega. Ogow ganacsi waliba wuu ubaahanyahay inuu isbadal kusameeyo adeegyadaa ama badeecadda hadba helka ey macaamiishu baahideedu jirto.

Gunaanad:

Ugu dambeyn, bilowga gancsiga waxaa ka horyimaada caqabado, balso si’looga hortago waxaa muhiim ah in la’iska ilaaliyo qaladaaka kor kuxusan. Waxay ganacsigu usahleysaa inuu gaaro guul.


Tags


You may also like

Ku Hormari Naftaada Xirfadaha Qarniga 21aad

  • Hormarinta Shaqsiyadda
  • Hormarinta Ganacsiga
  • Hormarinta Luuqadda
>