Xeer-hoosaadka machadka Somvato & shirkadda BRAVO

Si wacan isaga akhri fadlan

Lacagaha

Machadka Somvato waxaad ka heli kartaa koorsooyin, tababaro, & barnaamijyo kale oo dhamaan sare u qaadayo xirfadaada shaqo iyo midda shaqsiyadeed. Korsooyinka qaar waa lacag la'aan (FREE) waxa uuna qofka u baahanyahay in uu iska diiwaangeliyo kaliya balse koorsooyinka ay ku calaamadeysanyihiin lacag (Paid) waa in la iibsadaa ka hor inta aanan laga faaideysan.

Ardaygu waxa uu  bixinayaa lacagta koorsada oo dhameystiran, kadib ayuu isticmaali karaa ama loo fasixi karaa si uu uga faaideysto.


Hadii lacagta la bixiyo lama celinayo dibna looma dalban karo


Waxaa lagu celin karaa lacag la soo diray shuruudahan kaliya:


  • In ay cilad ku timid nidaamka waxbarasho machadka (Online system)
  • In uu ardayga ka waayay koorsada dhexdeeda waxyaabo lagu balan qaaday xayesiinta koorsada
  • Waxa uu ka waayay ardayga koorsada waa in ay noqdaan wax la taaban karo oo la isla fahmi karo. Tusaale, koorsada waxa ay koobantahay 100 cashar ayaa la dhahay, gudaha marka uu galay ardayga waxa uu arkay in ay ka koobantahay 50 cashar ama casharo ka yar 100
  • Hadii uu la kulmo shuruudaha sare oo uunan ardaygu qaadan casharda koorsada wax ka badan 5%  waa loo celinayaa lacagta. Sidoo kale waxa uu ku badaln karaa koorso kale oo ay isku qiimo yihiin

Isticmaalka madasha

Xilliga koorso waliba ay u furnaaneyso ardayga waa 12 bilood (1 sano) kadibna wey ka dhaceysaa (xirmeysaa) waana in uu dib u iibsadaa hadii uu rabo in uu sii isticmaalo
  1. 1
    Koorsooyinka kujira madasha somvato.com waxaa leh milkiyadooda Somvato Institute, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website somvato.com, bravo.so, bravoakademi.com
  2. 2
    Koorsooyinka Somvato waxaa lagu qaadan karaa nidaamka waxbarasho ee ONLINEka ah, Loomana ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa agabka la socda koorsada (Course Materials) sida Slides ama Softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada.
  3. 3
    Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Qof waliba waxa uu ku yeelan karaa madasha hal account oo kaliya. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas aad la wadaagtay qof kale waa laga saarayaa machadka dignin la’aan.
  4. 4
     Sidoo kale waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in waxbarashada madasha somvato.com uu bixiyo waa mid ah muuqaalo iyo qoraal ardayda uu iskiis isku barayo asagoo raacaya tilmaamaha muuqaalka. Hadii uu yahay barnaamijka aad iska diwaangelisay mid ay ku caddahay in la ogolyahay in aad suaalo soo weydiisid amaba ay jiraan kulano toos ah (LIVE), xaq ayaad u yeelaneysaa in aad heshid adeegaas.
  5. 5
    Qiimaha koorsooyinka kujira madasha somvato.com waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka machadka Somvato
  6. 6
    Waa loo ogolyahay ardayga in uu ku badasho koorso mid kale. Shardiga 1aad waa in uunan qaadan casharada koorsada uu badalayo wax ka badan 5%. Shardiga labaad waa in ay labada koorso isku qiimo yihiin.  Hadii qaadashadiisa casharada koorsada ay ka badantahay 5%, ama qiimaha labada koorso ay kala duwanyihiin, xaq uma lahan in uu dalbado in loogu badalo mid kale. Kaliya waxaa la isku badali karaa laba koorso oo isku qiimo ah ama ardayga waxa uu bixinayaa lacagta dheeriga ah ee looga rabo koorsada kale

Nagal soo xiriir

Toos ama WhatsApp

Toos ama WhatsApp

>